Universal Book Ratings
#3,447,666 in Books (See Top 100 in Books)
#97,627 in Practical & Motivational Self Help
#435,890 in Social Sciences (Books)
Health, Family & Lifestyle      Self Help

MIID & MALAB

(0 reviews)
Condition
Quantity
(77 available)
Share
Book Details
Language
Somali
Publishers
LOOH PRESS (1 Feb. 2024)
Weight
0.17 KG
Publication Date
01/02/2024
ISBN-10
1912411024
Pages
124 pages
ISBN-13
9781912411023
Dimensions
13.97 x 0.74 x 21.59 cm
SKU
9781912411023
Author Name
MAXAMMED GAANNI (Author)
A Somali student on his journey to the path of knowledge and the search of wisdom and truth. His main interests are Islamic sciences, social sciences, philosophy, literature, and history. A translator from Arabic to Somali and Somali to Arabic. He has published two books, one in Arabic and other in Somali. Two of his translated books were published and three more are in the publishing process. Read more about this authorRead less about this author
Read More

Reviews & Ratings

out of 5.0
(0 reviews)
There have been no reviews for this product yet.
Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid oo weliba ku salaysan tii boqortooyada.

Buuggaan waxa aynu ugu tegaynaa weero maahmaah noqon kara, murti gaammurtay oo qofkii u dhug yeesha ka saacidaysa in uu wanaajiyo habdhaqankiisa nafeed, bulsheed iyo siyaasadeed. Waxaa xiise gaar ah leh laba arrimood oo uu si gaara u tilmaamayo oo aan mid ku sheegi karno in qaarkeed ay soo hoos galayso waxa maanta loo yaqaanno baratakoolka oo barid iyo tababbarba loogu qaato jaamacado iyo macadyo waaweyn, qaarkeeda kalana cilmiga siyaasadda.

Waxa uu ina Muqafac buuggiisaan ka ga sheekaynayaa xiriirka ka dhexeeya qofka rafiiq la noqda qof xil uun haya ama golihiisa ka tirsan, sida ay tahay in uu isu badbaadiyo, in uu booskiisa xejisto iyo in uusan marna isu dhiibin wanaag uu mar ka arkay qof xil haya oo uusan isdhigan. Sida uu sheegay Ibnil Muqafic ma ay jirto bar cayiman oo u qof xil haya abidki ka ga raalli noqdo qof u dhow, ayna tahay in uu feejignaado oo uusan isku hallayn mid kore oo deetana mid hoose uu yaso ama mid hoose uu isku halleeyo oo uu mid sare maago.

Inkasta oo uusan ku guulaysan in uu naftiisa ka bixiyo qof xil haya, dardaarankiisiin uusan si buuxda ugu dhaqmin, haddana waayo-aragnimadiisii hore ee arrintaa ku saabsanayd iyo in la heer ahba waa uu inoo dhiteeyay. Laga yaabee mararka qaar in aad u aragtid in uu guulwadannimo kuu diyaarinayo, ha se ahaatee waxaa taa beddelkeeda aad ka dheehan kartaa in madaxda xilka haysa ay u dulqaadan karaan guulwade qur ah, nafsiyaddooduna aanay aqbali karin cid wax uun ku diidda, sidaa darteedna qofkii doonaya in uu maamuus joogto ah ku yeesho ay tahay in uu ugu horrayn nacamleeyo.

Waxaa isla qaybtaa siyaasadda uu ku sheegaya xilka saaran xilhayaha, habka uu ula dhaqmayo shacabka, saaxiibka, iyo cadowga. Haddii ay culaabtiisu ku sii cuslaato cidda ay tahay in uu magansado ee leh culumo, indheergarad iyo ehlu sharaf, aysan badbaadaduna ku jirin soo dhawaysiga ardaallada.

Tan labaadina waa waxa maanta ka sii idlaanaya dunida ee ah saaxiib aan ku dhisnayn manfac iyo danaysi, aadanaha casriguna ayba sii illaawayaan in saaxiibka ugu mudan ay tahay in uu noqdo saaxiib ah saaxiib ee aan ahayn saaxiib dani keento, dani dayriso, danina ay kaa hor keento. Saaxiib dhiig iyo dhacaan loo huro, dhaqan san iyo dhimrinna la gu dhawro, la gu la socdo, loo na sabro wixii ka yimaada ee aan loo bogin.

Waxa uu inoo tilmaamayaa sida lagu xusho, kalsoonida lagu dhiso, la gu dhawro, asaga oo gebegabada inoo gu tusaalaynaya saaxiibkiisa ugu qaalisan dunida oo uusan inoo magacdhabin e, uu inoo ku sawiray sifooyin ina ku riixaya in aan ku taamno helidda saaxiib noocaas ah. Waxa uu buuggaani cashar fiican u yahay jiilka kacaamaya iyo kan sii duqoobayaba, wax badan oo hagaajinta habdhaqanka ahna waa uu ka saacidayaa.

. .

Frequently Bought Products

Product Queries (0)

Login Or Registerto submit your questions to seller

Other Questions

No none asked to seller yet

Bookiyos Books Solutions - Quality Books, Unbeatable Prices

Bookiyos Books Solutions is your premier online bookstore offering a vast selection of over 5 crore books. Whether you're looking for the latest releases, timeless classics, or rare finds, we have something for every reader. Our platform serves customers worldwide, including the USA, UK, and Europe, with fast delivery and easy return policies to ensure a hassle-free shopping experience. Discover daily updates, exclusive deals, and a comprehensive collection of books that cater to all your reading needs. Shop with confidence at Bookiyos, where quality books and unbeatable prices meet.

Why Choose Bookiyos?

Extensive Inventory: New, old, and rare books available.
Fast Delivery: Same or next-day shipping.
Easy Returns: Hassle-free refund and return policies.
Global Reach: Serving customers in the USA, UK, Europe, and beyond.
Daily Updates: Thousands of new titles added every day.
Join our community of book lovers and start your literary journey with Bookiyos Books Solutions today!